qurub

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-byo, m.dh)

Macnaha:

  1. Gabal yar.
  2. (nax.) Macag caam ah oo tilmaama curiyeyaal aan lahayn micno u gaar ah marka ay keligoodu yihiin, waxayse qayb weyn ka qaataan xagga dhismaha weerta, waxaana ka mid ah: “ma” oo ah q. diidmo; “baa”/”ayaa”, “aa” oo ah q. diiradeed magac; “waa” oo ah q. diiradeed fal; “ma”, “miyaa” oo ah q. weyddiimeed.
  3. Wax cadcad yaryar ka dhigid.