rabash

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Rabsho; fidmo; qulqulad; qas. ld rabshad, rabsho.
  2. Cid qulquladayn. ld rabshadee, rabshee.

rabsho

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld rabash¹.

fidmo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld fidno.

qulqulad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Rabsho nabadda iyo xasilloonida wax u dhinta.

qas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Rabsho iyo xasillooni la'aan. 2. Siil. 3. Gumaar. 4. Meesha ay iska galaan miskaha iyo sabiisha geela.
  2. 1. Milme iyo hoore isku labid. 2. Wax kala jaad ah isku darid. 3. Rabsho iyo xasillooni la'aan meel ka abuurid. 4. Ka q.: hadal, ciyaar iwm oo cid si wanaagsan ugu socotay ka dhabqin.

rabshad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld rabash¹.

rabshadee

Qaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2

Isrogrogga: (-deeyay, -deysay)

Macnaha:

  1. ld rabash².

rabshee

Qaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2

Isrogrogga: (-sheeyay, -sheysay)

Macnaha:

  1. ld ra-bash².