ruug

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-gag, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Meesha ay iska galaan bowdada iyo dhudhunka; jilib; low. 2. Madaxa kuusan ee laba lafood iska galaan.
  2. 1. Wax adag calaalin. 2. Arrin si wanaagsan uga baaraandegid.

jilib

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. (-lbo, m.l) Meesha shanshada iyo bawdada dadku iska galaan. 2. Buur yar. 3. (-byo, m.dh) Qayb ka mid ah qolooyin wada dhashay. 4. (-byo, m.dh) Bir yar oo caarad godan leh oo kalluunka lagu dabo; maqaalin. 5. J. u dhig: qof ama wax iska daaficid. 6. Jilbaha u dhig: qof ama wax iska dhicin.
  2. Dhul yar, bannaan oo degaan ku habboon.

low

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-wyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Bowdada iyo kubku meesha ay iska galaan dhankeeda sare; jilib.