sayax

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qoyaanka gabaddanadu keento; dharab. 2. ld sayaxid.
  2. (juqr.) Dhammaadka fud baraf, kolka herkulku kor uga kaco barta biyuhu ku fadhiistaan, barafkuna uu biyoobo. Loolalka sare sayaxu waa dhacdo sanadeed muhimad weyn leh, oo dhaca gu'walba, waxana ku xiga milmidda barafka iyo ado-barafeedka iyo wabiyada.
  3. Wax gabaddano ku qoyid.

dharab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhibco yaryar, biyo ah, ka dhasha qabowga habeenkii oo lagu arko cawska, dhirta iwm.; sayax; yaxni. 2. Rays aad u qoyan.
  2. (fiis.) Qoyaanka ku dul dhaca habeenkii dhulka dushiisa, amase waxyaalaha kale oo dhulka ku yaal ama dul saaran, sida cawska iyo caleemaha, waxaa qabooba oo dhibco noqda oo soo daata uumiga ku jira gibilka hoose ee dhulka korkiisa.
  3. 1. Dhiriqda lo'da. 2. ld dhereb.

sayaxid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg sayax³. ld sayax¹.