Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-rayaal, m.l/dh)
Macnaha:
- 1. Dalal isku qabsan oo dawlado kala leeyihiin ama gobollo, beero iwm xarriiqda u dhexeysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaado midna ka billaawdo; soohdin; xudduud; xad. 2. Dhul laga xayiro daaq-sinka xilliga doogga ah si loo daaqo jiilaalka.
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-imo/-ino, m.l)
Macnaha:
- Seere, xad.
- (xis.) Xaddeyn ama xannibaad lagu sammeeyo dambeedka fansaar. Soohdin sare waa tirada U, taas oo f(x)_<U dhammaan x-yada ku jira horaadka, soohdinta hoose waa tirada l, taas oo f(x)_>l dhammaan x-yada kujira horaadka. Tusaale ahaan, haddii f(x)=sinx markaa +1 waa soohdin sare iyo -1 waa soohdin hoose.
Qaabnax: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1
Isrogrogga: (-day, -dday)
Macnaha:
- Hanti qof kale leeyahay si qarsoodi ah u qaadasho.
- 1. Xudduud; soohdin. 2. ld xaj.
- (taar.) Xarriiqda kala qaybisa laba hanti ma guurto ah ama laba waddan.
- 1. Wax is-hortaagid. 2. Wax dhibid.