siigo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Habaas; boor; bus. 2. Dabayl xooggan oo carro wadata.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

habaas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Ciid budo ah oo dabayshu kiciso. 2. H. ah: jimic (xoolo).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

boor

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Ciid budo ah oo dabayshu si sahlan u qaaddo; siigo; bus. 2. B. ah: midab dambaska u eg oo ay lo'da iyo dameerahu yeeshaan.
  2. ld boorid.
  3. 1. Sac godlan waayey ama dhashiisa diiday wamme ama fintir iwm sabiisha ka gelin. 2. Is b.: dhabarka godid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

bus

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Boor; siigo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur