dabayl

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-lo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Hawo xoog leh oo dhan u socota. 2. Xanfar; siigo. 3. Rooxaan ama jinniyo la aaminsanyahay in dadka ay marto ku reebto suuxdin ama xubinno qallal. 4. Dhanka dabayshu ka socoto. 5. ld dabeyl.
  2. (c.cimi.) Mawjad hawo, oo xoog ugu socota jiho kasta, oo badanaa la moodo inay barbaro la tahay oogada dhulka.

xanfar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dabayl bus wadata.

siigo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Habaas; boor; bus. 2. Dabayl xooggan oo carro wadata.

dabeyl

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-lo, m.l)

Macnaha:

  1. (daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl¹ (5).