tiis

Qaabnax: dk.lh.dh

Isrogrogga: (-tiis)

Macnaha:

  1. ld tiisa².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

tiisa

Qaabnax: mu.lh.dh

Macnaha:

  1. (kuwiisa, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig ah oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Nin tiisa haysata tu kale uma daryeelo”.
  2. Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Cali beryahan bartiisa lama arkin”. ld ti, tii³, tiis.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur