udub

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dbo, m.l)

Macnaha:

  1. 1.Tiir xooggan, farraarro leh oo dhismaha aqal soomaaliga lagu adkeeyo. 2. Tiirar badan oo meel wada yaal. 3. Summad geela lagu dhigo, qaab udub kor u jeeda ah leh oo meelo kala duwan looga dhigo; kabaal. 4. Dhigo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kabaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Summad geela lagu dhigto oo ah udub kor u jeeda oo meela kala duwan lagu dhigo; udub. 2. Kal xoog leh oo awrta marka la dhaaminayo la isticmaalo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhigo

Qaabnax: Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive

Macnaha:

  1. 3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax la hayay meel saarasho. 2. (f.g) Wax kaydsasho. 3. (f.g) Cashar qorasho. 4. (f.g) Dugsi wax ka barasho. 5. (f.g) Ballan, heshiis iwm cid la gelid. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax kale u beddelasho. 7. (f.mg) Is dh.: qof khatar iwm oo ku soo fool leh oo loo baahnaa in uu ka gaashaanto ka seexasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur