dadab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-byo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. ld dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin. 4. ld dadbid.
  2. 1. Ardaa quruxsan oo ay cid u dhisto nin gabar ka doonaya. 2. Rarada la saaro aqalka miyiga.
  3. Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid.

babac

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Isrogrogga: (-cyo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Daaddagga buurta ama taagga; hoobad. 2. Si aan toos ahayn ee wax loo dhigo. 3. ld babcid.
  2. 1. (f.g) Wax si dadab ah u dhigid. 2. (f.mg) Ka b.: wax jaho uu ku toosnaa ka weecin.

dedeb

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-byo, m.dh)

Macnaha:

  1. ld dadab¹.

dadbid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg dadab³. ld dadab¹ (4).