walcan

Qaabnax: Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective

Macnaha:

  1. Waalid; ab; isir.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

waalid

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-diin, m.dh)

Macnaha:

  1. Laba qof oo wax dhashay waxa ay ilmahooda u yihiin. ld waarid.
  2. eeg waal.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ab

Qaabnax: Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective

Macnaha:

  1. 1. Awoowyaashii hore oo laga soo jeedo. 2. Abkay ma arag: weligay ma arag.
  2. A.kay ma arag: weligay ma arag.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

isir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ro, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Asalkii hore ee nafleydu ka soo farcantay. 2. Taranta laba tibxood iyo wixii ka badan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur