weli

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo/awliyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Qof mu'min ah oo Ilaah ka baqa. 2. Qof ay saaran tahay mas'uuliyadda xaas meel deggan. ld wali.
  2. 1. Ilaa hadda. 2. kol kale; haddana; misana. 3. Waa w.gay: abidkay, kolna.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

misana

Qaabnax: Xiriiriye | Conjunction

Macnaha:

  1. Laakiin, ha ahaatee. Tus. “Afka carabiga wuu fahmayaa, misana kuma hadli karo”. ld misna.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

wali

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld weli¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur