xaasid

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Xaas noqosho, yeelasho.
  2. Qof aan jecleyn in ay cid aan isga ahayn wax u kordhaan.
  3. eeg xaas².
  4. ld xasad².

xaas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-sas, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Oori, afo. 2. (-sas, m.l) Carruurta iyo haweeney la qabo. 3. X. ah: wax tabardaran; maato. 4. X. ah: qof carruur badan leh oo hanti yar.
  2. Nafley caato noqosho.

xasad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Wanaagga dadka kale helayo oo laga naxo ama la nebcaado ama la jeclaysto in iyaga laga qaado oo isaga loo soo wa-reejiyo; khayrka dadka kale haysto oo laga gubto.
  2. Cid xasad kula kicid, xaasid ku noqosho. ld xaasid².