yeel
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-lal, m.l)
Macnaha:
- Qeeb ceel biyo looga cabbo sida wadaan, dawli iwm.
- Y.-kay, y.-kaa: arrintay, arrintaa iwm.
- 1. Xarig dheer oo loo isticmaalo awrta rariddeeda oo isaga gudba awrka dhinacyadiisa, dabagelisna leh. 2. Inta xarig ah ee ka samaysan harag.
- Ha yeeshee (hayeeshee) ama hase yeeshee (haseyeeshee): ha ahaatee, laakiin.
- 1. Cid arrin ama wax kale ka aqbalid. 2. Kab go'day samayn. 3. Wax samayntooda ku kicid.

