Site icon Qaamuus

ereyga

beddelid
(m.f.dh)

eeg beddel². ld baddal¹, baddalaad, baddalid, beddel¹ (1,2), bed.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh beddelid

maandoori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid maankeeda beddelid.2. Qof sakhraamin.

abaalgud [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
U a.: abaal la isu galay mid la mid ah ku beddelid.

adkayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1.(f.g) Gunti, xarig iwm oo dabacsan dhuuqsasho. 2. ku a.: hadal, fikrad, mowqif iwm iska beddelid la'aan. 3. (f.mg) U a.: dhibaato dulqaad u yeelasho; hawl, dhib, xanuun adkaysi u lahaansho; dulqaadasho.

afgembi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. Hab aan sharci ahayn dowlad dhisan ku beddelid. 2. Wax afkooda sare hoos marin.

baddal [m.l]
ld beddelid.

baddalaad [m.dh]
ld beddelid.

baddalid [m.dh]
ld beddelid.

beddel [m.l]
1. ld beddelid. Dhaafsashada wax wax kale la dhaafsado. 2. ld beddelid. Wareejinta qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo. 3. B. ah: qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo si uu hawshii halka uga si wato.

beddelaad [m.dh]
ld beddelid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version