asii
(Xiriiriye | Conjunction)

(nax.) 1. Erey lagu xiriiriyo laba weer aan xor ahayn; “oo”. Tus. “Haddaan lacag siiyo asii diido, maxaan sameynayaa?” 2. Erey lagu xiriiriyo laba weer xor ah; “-na”. Tus. “Lagac baan siiyay asuu diiday”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh asii

baabaha masiixiga [m.l (dii.)]
Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga;boobka. boobka

baabasiir [m.l (daaw.)]
Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. ld bawaasiir bawaasiir

kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay sameeyaan organnada qashinsaarka ee xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare, kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha. Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan orgaanik ahayn.

yaasiinmaddoone [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
eeg Marsoobax. marsoobax

saabuun [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-nno, m.dh)
(kiim.) Iskudhisyada naatriyam ama kaaliyam ay la sameeyaan nooc asiidhada orgaanikada ah; kuwaas oo badanaaba lagu isticmaalo in ay hagaajiso astaanta dhiqidda ee biyaha. ld saabbuun.

tafaasiil [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Faahfaahin.

waasii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiay, -iisay)
Cid wax ay heli lahayd gefsiin. ld weysii.

waasiin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waasii. ld weysiin.

yurasil [m.l] (-lo, m.dh)
(baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waxyabaha ay ka koobanyihiin beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedda RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyaa bayramadiin.

aayoonka haydarojiin [m.l]
eeg asiidh; PH.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg