baac
(m.l) (-cyo, m.dh)1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baac ↴
waabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid ama wax socday hakin. 2. Wax dagaal u taagan ama u soo socda nabar uu la hakado ama uu ku
gabbado u taagid; baacin. baacin
baaci [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (iyay, -isay)
1. (f.g) Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.
baacin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baaci. baaci
baacsad [m.l]
ld baacsasho. baacsasho
baacsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax baac lagu cabbirey ahaansho.
baacsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baacsan. ld baacsanaansho. baacsan, baacsanaansho
baacsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld baacsanaan. baacsanaan
baacsasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baacso. ld baacsad, baacsi. baacso, baacsad, baacsi
baacsi [m.l]
ld baacsasho. baacsasho