baqshad
(m.dh) (-do, m.l)Kiish yar oo xaashi ah, xabag lagu xiro afka ku leh, qaabab kala duwan leh oo warqadaha lagu xiro. ld boqshad, buqshad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baqshad ↴
baqshadayn [m.f.dh]
eeg baqshadee.
baqshadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Wax baqshad dhex gelin (waraaq).
boqshad [m.dh]
ld baqshad.
buqshad [m.dh]
ld baqshad.
farankaboolo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Waraq boosto ee yar oo lagu dhejiyo baqshadaha dushooda.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg