baraf
(m.l) (-fyo, m.dh)

1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baraf

waagii barafka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waa jiyoolojiyeed oo baraf gogollo ah iyo baraf weyneyaal ay dabooleen badad badan oo qaaradaha ah, meelaha qaarkoodna barafku wuxuuba gaaray badaha, wuxuuna hoos u dhigay heerkulkii badweyneyaasha.

barafasoor [m.l]
ld barfasoor.

barafayn [m.f.dh]
(jool.) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.

baraf-dhagax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.

baraf-dhalaal [m.l]
(jool.) Dariiqadda qaadidda ama dhaqaajinta barafweynaha dhalaala amase uu ku dhaco uumibax amase barafburbur.

baraf-durduro [m.l]
(juqr.) Cuf baraf ah oo si tartiib ah hoos ugu dhaqaaqaya waadi dhexdiis, isagoo ka soo dhaqaaqaya meesha sare ee barafku ku samaysmay una socda xagga badda, waxa jiidayana waa xoogga cufisjiidadka.

barafoobid [m.f.dh]
eeg barafow.

barafow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday)
Baraf noqosho, aad u qaboobid.

barafuumayn [m.f.dh]
eeg barafuumee.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg