barwaaqo
(m.dh) (-ooyin, m.l)1. Nolol aan cudur, gaajo iwm lahayn. 2. (w) Waqti roobeed oo uu dhulku doogganyahay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh barwaaqo ↴
aaran [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Geela intiisa aan weli gaarin da'dii uu ku rimi ama wax ku rimin lahaa. 2. Doog iyo barwaaqo badan. 3. Aa. ah: meel doog badan leh. 4. Aa. ah: waqti doog iyo barwaaqo leh.
banaaxo [m.dh]
Cida ay lo'du sameyso kolkay barwaaqo joogto. ld bunaaxo, bunnaaho.
baraare [m.l]
Nolol barwaaqo, caafimaad iyo nabadgalyo leh. ld baraaro.
barwaaqaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax barwaaqo ku jira ahaansho (meel ama wax).
barwaaqayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Meel barwaaqo ka dhigasho. 2. Barwaaqo helid.
barwaaqee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-qeeyay, -qaysay)
Wax barwaaqo ka dhigid.
barwaaqoobid [m.f.dh]
eeg barwaqow.
barwaaqow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Barwaaqo noqosho (dhul).
berisamaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Waqti barwaaqo badan oo aan dhibaato jirin.