bas
(m.l)

1. Geeri caadi ah ee ku timaaddo qof tiisii gashay. 2. (-sas m.l) Baabbuur weyn oo dedan oo daaqada muraayado ah iyo kuraas leh oo rakaabka qaado. 3. Wax gubasho ku dhammaaday oo dambas noqday.

bas
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-say, -stay)

1. Wax shidan dambas noqosho. 2. Ood iwm duugnimo awgeed la baabi'id.

Hibasho*

Xasuus dhib(Gocosho)


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bas

baabasiir [m.l (daaw.)]
Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. ld bawaasiir bawaasiir

haabasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg haabo. ld haabad. haabad, haabo

saabasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saabo. ld saabsasho. saabsasho

taabasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taabo. ld taabad. taabad, taabo

taabasho [m.dh]
(daaw.) Hab baaritaan qayb ka mid ah jirka ayadoo si taxaddar leh lagu dareemayo gacamaha iyo faraha fooddoo-da. Taabashada waxa marar badan lagu kala sooci karaa barar adke ah iyo mid tulux ah. Taabashada waxa kale oo loo isticmaalaa in lagu ogaado jiritaanka ilmo uurka ku jira. ld taabad taabad

waabasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waabo. waabo

laabasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laabo. ld laabad. laabad, laabo

eebasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg eebo². eebo

jaasuus [m.l] (-siin/-syo, m.dh)
1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. ld jaajuus¹.

kaadigubasho [m.dh]
(daaw.) Xanuun iyo kaadida oo lagu dhibtoodo, waxa badanaa keena holac kaadihays ama holac kaadimaren. ld kaadiqabad.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg