bensiin
(m.l)

ld baansiin.

bensiin
(m.l)

(kiim.) Haydarokaarboon hoor ah oo midablaawe ah, ur gaar ahna leh. B.tu waa iskudhis sun ah; uumigeeduna wuxuu keena waxyeello haddii isdabajoog loo neef qaato. ld baansiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bensiin

aroomaatig [m.l] (-gyo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo dhiskiisu ka koobanyahay giraamo bensiin ah.

baansiin [m.l]
Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa middood oo aan midab lahayn dabkana qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan; batrool. ld baansiino, baasiin, baasiino, bansiin, bensiin.

betrooliyam [m.l]
(kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

iskudhis-giraansan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(kiim.) Molikuyuul atammadiisu yihiin qool xiran, sida bensiin ama saykaloohegsayn. Marka laba giraamood u xiriirsamaan hab ay wadaagaan laba atam, waxa ay noqdaan giraan dhalaashan. Naaftaliin waxa ay tusaale u tahay iskudhis giraan dhalaashan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg