biree
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-reeyay, -raysay)1. Nafley dhuunta iyo halbowlayaasha mindi ugu goyn. 2. Neef la qalanayo si sharciga waafaqsan dhuunta iyo halbowlahayaasha mindi ugu goyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh biree ↴
birayn [m.f.dh]
eeg biree.
bireeris [m.l]
(juqr.) Duuduubka deggan, badanaa: fidsan, guud ahaan aan dhir lahayn, bannanno caws leh - dhul cawsaadka loolka dhexe - ee woqooyiga maraykanka, ee qariya gobollada koonfureed ee Alberta, Saskatuun iyo Manitoba oo Kanada ah iyo Badhtamaha midowga Mareykanka ilaa bilow-kureed Buur Dhadhaabeedyada oo ay ugu barayeyso ilaa dhigta harada Mishigan.
dhabbabireed [m.l]
Jidka tareenku maro.
gowrac [m.l]
1. Biraynta xoolaha la qalanayo la bireeyo si hilibkoodu u xalaaloobo. 2. ld gowricid.
sibiree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Aqal iwm dhul-dhaciisa shamiinto ku kebisid.
silikeyt [m.l] (-tyo, m.dh)
(kiim.) Iskudhisyo tiro badan oo leh ayoonno bireed iyo iskudhisyo silikon-ogsijiin oo kakan. Silikeytyo badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhagaxda iyo macdanta.