bisayl
(m.l)

1. Cunto dab lagu farsameeyey oo gaartay heerkii lagu cuni lahaa. 2. Miro iwm marka ay gaaraan heerkii lagu cuni ama la guran lahaa. 3. Waaya-aragnimo dheeraad ah oo la yeesho. 4. ld bislaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bisayl

bislaan [m.f.dh]
eeg bisil. ld bisayl (4), bislaansho.

bislayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Cunto bisayl ka dhigasho. 2. Arrin u gogol xaarasho si aan go'aan qaadashadeeda loogu dhibtoon.

bislee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Cunto bisayl ka dhigid. 2. Arrin si aan go'aankeeda loogu dhibtoon u gogol xaarid.

dhuundhuun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-uumay, -uuntay; -uumi)
1. Wax bisayldhaaf ah noqosho (hilib). 2. Wax aad u bisil noqosho (miro).

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg