biti
(m.l)

Nasiib; hoodo.

biti
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax sida buda iwm oo aan culays badan lahayn dabayl raacin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh biti

ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.

rabitin [m.l]
Jeclaansho wax niyadda laga doono. ld rabid.

ugaxlay [m.dh]
(c.nafl.) Xubinta taranka ee ugu muhiimsan xagga dheddigga oo soo saarta unug-ukumeed iyo hormoonnada istroojinka kaltan toosan kaddib markii ay ku dhacaan hormoonnada goonadotroofiin loo yaqaan oo laga siidaayo qoqobka hore ee qanjirdhiiqa bitiwitariga waxa jira laba ugxeeye oo ku yaal qaybta hoose ee uurkujirtada, labada dhinac ee ilmosidaha.

bitijor [m.l] (-rro, m.dh)
Karbuuno; tooj.

bitin [m.f.dh]
eeg biti².

dambitir [m.l]
ld dembitirid.

dambitir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
ld dembitir².

dambitirid [m.dh]
ld dembitirid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg