Bogdoox
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:1. Wadiiqo toos ah oo ka leexaato waddo weyn. 2. Weeraridda cadow dhinac laga weeraro. 3. Qalliin lagu sameeyo haweenka dhali waayey iyadoo dhinac laga soo saarayo ilmaha. 4. ld bogdooxid.
Bogdoox
Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-xay, -xday)1. Cadow iwm dhinac ka wareemid. 2. Haweeney si caadi ah u dhaliweydey si ilmaha looga dhaliyo caloosha dhinac ka qalid.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga bogdoox ↴
uurdoox | bogdooxid |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg