booc
(m.l) (-cyo, m.dh)

1. Hunguri. 2. Cune. 3. In yar oo tubaako shiidan ah.

booc
(m.dh)

Geed caano leh caleemo balballaaran, laamo jiljilicsan iyo miro kuus kuusan oo buufsan leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh booc

boocaar [m.dh]
Nooc ka mid ah kalluun.

bunji [m.l]
Xarig badan oo dhumuc weyn leh oo laga sameeyay xaskusha, boocda iwm.

marbooc [m.l]
Dhar midab cad leh oo baftada ka jurmi weyn kana adag. ld marbuuc, murbooc.

murbooc [m.dh]
ld marbooc.

xargaha codka [m.l]
(c.nafl.) Sooha labada isugu laaban oo ka soo kuusan labada dhinac booca oo ka sameeya jeexdin dhuuban hawomareenka dushiisa. Neef soo saaridda way ruxdaa cod la maqlana waa ka sameysa kaas oo ah hadal, hees iyo codad kale oo la naqlo. Isbeddelka ku dhaca xargaha codka iyo cudurrada ku dhaca dareemayaashooda waxay wax yeelleeyaan codka.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg