Cagaag

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. Wax sida dhagax, gaxandho iwm oo cagaha waxyeela marka kabo la'aan lagu socdo. 2. Meel leh dhagax, gaxandho iwm oo cagaha waxyeela marka kabo la'aan lagu socdo. 3. Dhibaatada caguhu ka mutaan marka lagu socdo meel leh dhagax, qaruurax, gaxandho iwm. 4. ld cagaagid.

Cagaag

Qaabnaxa: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1 Isrogrogga: (-gay, -gtay)

Cagaag dareemid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga cagaag

cagaagan | cagaagid | cagaagnaan | cagaagnaansho | cagaagsan | cagaagsanaan | cagaagsanaansho |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg