ciriiri
(m.l)

1. Meel dhex mariddeedu dhib tahay yaraan awgeed. 2. Meel aan waxa ku jira qaadin, yaraan awgeed. 3. Wax heliddooda adagtahay. 4. Waqti aan ku filnayn in hawl lagu qabto. ld cariiri¹.

ciriiri
(f.g/mg1/2) (-ryay,-riday/risay;-ryi)

1. (f.g) Meel, ciriiri ka dhigid. 2. (f.mg) Ku c.: meel, wax qaadkeeda ka badan ku kordhin. ld cariiri².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ciriiri

aaddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid meel ku toosin; ld aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid. aadi, aadsii

ibajiiqo [m.dh]
Yaraanta iyo ciriirinnimada uu yeesho caanamareenka naaska

ibayaro [m.dh]
Yaraanta naasaha iyo ciriiriga caanamareenka ee ay hal yeelato

waasac [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
W. ah: aan ciriiri ahayn, wax badan qaada, ballaaran.

waasici [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax ballaaran oo aan ciriiri ahayn ka dhigid.

abraar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid. 2. (f.mg) Si degdegsiinyo leh hadba dhan ugu ordid.

abraarsii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
Wax meel ciriiri ah xoog ku dhex marin.

barbax [m.l]
1. Xilli kulul oo biyo iyo baadba ciriiri yihiin. 2. Wax looga baxo dhibaatada xilli kulul sida baad, raashin, biyo. 3. ld barbixid.

barbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Ku b.: xilli kulul oo biyo iyo baadba ciriiri yihiin meel ku sugnaan. 2. Ka b.: dhibaato xilli kulul ka samatabixid (nafley).

cabbur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Xubnaha hawomareenka neef si ciriiri ah uga soo bixid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg