cirro
(m.dh)

Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cirro

uurkucirroole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Nin xaakiim ah ama waayoaragnimo dheeraad ah leh.

cirree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax ama qof cirroole ka dhigid.

cirroobid [m.f.dh]
eeg cirrow.

cirroole [m.l] (-layaal m.l/dh)
Qof gaboobay.

cirrow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Cirrow yeelasho.

kubkucirroole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof dalal badan maray oo waayo-aragnimo leh.

xoosh [m.l]
1. Cirro. 2. Daash, sida meel baabuurta la dhigta oo guriga raacsan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg