Darandoorri

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. Nooc ciyaarsiiska ka mid ah oo uu qofka taagani si aan kala go'lahayn cagaha dhulka ula dhaco. 2. D. ah: fal aan si kala go'lahayn u dhaca. 3. dl. darandoorriyid.

Darandoorri

Qaabnaxa: f.g/mg1/2 Isrogrogga: (-iyay, -iday/isay; -iyi)

1. (f.g) Neef geel ah, laba nin hal mar si dhaqso leh u wada lisid. 2. (f.g) Rasaas iwm si aan kala go'lahayn u ridid. 3. (f.mg) Si isdabajoog ah cagaha dhulka ula dhicid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga darandoorri

darandoorrin | darandoorris | darandoorriyid | dhafandhaaf | ridim |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg