dhaafsii
(Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2) (-iiyay, -iisay)Wax meel ka gudbin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaafsii ↴
xaddidhaafsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Wax qiyaastii laga rabay dhaafsiin.
xaddidhaafsiin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaddidhaafsii.
danyar [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax nolol maalmeedkiisa dhaafsiisan. ld dabyar.
danyar [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-raa, -rayd)
Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax dhaafsiisan nolol maalmeedka ahaansho.
dhaafsiin [m.f.dh]
eeg dhaafsii. ld dhaafsiis.
dhaafsiis [m.l]
ld dhaafsiin.
dhaafsiisan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-snaa, -snayd)
Meel, wax meel kale ka shisheeya ahaansho.
dhaafsiisnaan [m.f.dh]
eeg dhaafsiisan. ld dhaafsiisnaansho.
dhaafsiisnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhaafsiisnaan.