dillaacso
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-saday, -satay)

Wax qayb ka jeexasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dillaacso

baaldillaacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Heerkii ay ku duuli lahayd gaarid (shinbir).

doobbadillaacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Gaarid heerkii uu gulgulada soo ridan lahaa (rati).

doobdillaacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Miraysasho (geed timir).

gulguladillaacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Awr qoor ah doobbo soo ridid bilaabid. 2. Qof codkar ah noqosho.

indhadillaacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Mukalaal iwm oo dhashay indhafurasho. 2. Ilbixid.

kabardillaacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Duleelka beejada weynaan.

xuubdillaacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Xuub-ka sare iska siibid. 2. Qaabka sare beddelid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg