fasax
(m.l)

1. Oggolaan. 2. Nasasho hawlaha iyo dugsiyada lagaga nasto.

fasax
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-xay, -xday; -sixi)

1. Oggolaansho siin. 2. Hawl ka nasin (cid).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fasax

idan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dmay, -dantay; -dmi)
Wax samayntooda cid fasax u siin.

idanqaado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
Wax sameyntoodu fasax u qaadasho.

idansan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof wax samayntooda cid fasax lagu siiyay ahaansho.

fakad [m.l]
1. F. ah: qof meel uu joogey fasax la'aan ka tegey; baxsad. 2. ld fakasho.

fasaxid [m.f.dh]
ld fasixid.

fasixid [m.f.dh]
eeg fasax². ld fasaxid.

ijaaso [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Idan, fasax. 2. Aqoonsi diimeed ee uu sheekha dariiqadu siiyo xertiisa qaarkeed.

mamnuuc [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
M. ah: wax aan fasax loo qabin sameeyntooda.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg