fiir
(m.l)Nacayb loo muujiyo nafley meel ku cusub.
fiir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)Nafley meel ku cusub nacayb u muujin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fiir ↴
caabuq [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka caloosha
iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban.
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
caaddifi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-fiin, m.dh)
1. C. ah: qof si fudud iyo ka fiirsasho la'aan wax ku xalliya. 2. Dabci dadka qaarkii yeesho oo ah fudayd iyo ka fiirsi la'aan wax lagu xalliyo.
eegmo [m.dh]
Daymo; fiiro. daymo, fiiro
laablakac [m.l]
Fal fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso.
laablakicid [m.dh]
Fal ka fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso dareemid.
maahsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof aan fiiro iyo feejegnaan u lahayn goobta uu joogo wax ka dhacaya oo qalbigiisu ku hawlanyahay meel kale ahaansho.
maalin dayaxeed [m.dh] (-lmo ..., m.l)
(c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.
ollog [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Daymo, fiiro. 2. Dhowaan. 3. Deris.
onkojiin [m.l] (-nno, m.dh)
(baay.) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.