furuq
(m.l)

(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo muddo gaaban, waxaa keena fiirus. Astaamo: qandho iyo finan nabar ku reeba maqaarka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh furuq ↴

afgaab [m.l]
Cudur dadka ku dhaca oo oogada sida furuqa nabarro biyo leh u yeela.

fadfad [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Godgod yaryar oo cudurka furuqu ku reebo jirka nafleyda; furuqdhaw, furuqdhoon.

farfar [m.l]
1. F. ah: meel biyo dhow oo laasaska laga qoto; xaarxaar. 2. Furuqdhoon. ld faarfaar¹.

furuqbiyoole [m.l]
(daaw.) Nooc furuqa ka mid ah oo halkii ay nabarrada malaxi ka geli lahayd biyo ka galaan.

furuqdhaw [m.l]
ld furuqdhoon.

furuqdhoon [m.l]
Godad yaryar oo furuqu jirka dadka ku reebo. ld furuqdhaw.

giir [m.l]
1. Madow iyo caddaan si isle'eg isuga jira; jiir. 2. Dhogor dhaadheer oo orgida, dameeraha, biciidka iwm tunkooda ka baxda. 3. Wejitub; biriir; u furuqdhoo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg