gulukows
(m.dh)(kiim.) Sonkor badankeeda laga helo dhirta iyo xaywaanka. G.tu waa il ay tamar badan ka helaan noolayaashu. Sonkorta xilliga neefsashada waxa ku dhaca ogsidhayn taas oo soo saarta kaarboon laba ogsaydh leh, biyo iyo tamar. Dhirtu waxay ku heshaa g.ta habka footoosintasiska, waxaanay u keydsantaa istaarj ahaan, xayawaankana waxay uga timaadaa dheefshiidka ku dhaca dhaysakaraydhyada iyo boolosakraydh-yada, waxaanay u keydsantaa staarj xayawaan ahaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gulukows ↴
laaktays [m.l]
Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.
asiidh-laagtika [m.dh] (-dyo ..., m.dh)
(baay.) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iwm.
aysootoonik [m.l] (-kyo, m.dh)
(baay.) Waxa lagu sharxaa milannada leh cadaadis isku mid ah. Tus. “Milan”, .01m oo sonkor ah iyo milan .01m oo gulukows ahi waa milanno cadaadis isku mid ah leh”.
balaasma [m.dh]
(c.nafl.) Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.
galaykojiin [m.l] (-nyo/-no, m.dh)
(kiim.) Boolisakarayd ka kooban bolimeer gulukows ah oo faracyo badan leh oo laga helo nudaha xayawaanka, gaar ahaan beerka iyo unugyada muruqyada. Waa kaydka muhiimka ah ee tamarta kaarboo- haydrayd ee unugyada xayawaanka, waxaanay u egtahay rucub xubuub ah oo saxarro yar ah.
gulukows burburin [m.dh]
(baay.) Falgallo bayokiimikeed oo taxane ah, oo guluukowsta loo jejebiyo bayruufeyt iyada oo loo sii daynayo tamar loo isticmaali karo qaabka ATP.
istaarj [m.l] (-jyo, m.dh)
(baay.) Booli-sakraydh ka kooban saamiyo kala duwan oo leh gulukows, boolimeer, amilows iyo amilobektin. I.ka badanaa waxa laga helaa dhirta, gaar ahaan, xiddiddada, tuyuubarka, iniinyaha iyo khudaarta, sida kaarbohaydrayt tamar kayd. Haddaba i.ku wuxuu xayawaanka u yahay il tamareed. Marka la dheefshiido marka u dambaysa waxa laga helaa gulukows. Xubuub kas.ku kuma milmaan biyaha qabow, laakiinse haddii la kululeeyo ay burburaan oo waxay sameeyaan milan isjiidanaya.
kaarboohaydrayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(kiim.) Mid ka mid ah koox iskudhisyo orgaanigga ah oo ku salaysan astaanta guud ee cx (H2 O). Karbohaydraytyada ugu sahlani waxa weeye sonkorta (sakaraydhyo) oo ay ka mid yihiin gulukowsta iyo sukurowsta. Boolisa-karaydhyadu waa kaarboohaydraytyo culays molikiyuulladoodu weyn yahay oo kakan. Tusaale ahaan: istaarj, istaarj xayawaan iyo selilows.
seluloos [m.l]
(baay.) Bolisakraydh ka kooban halbeegyo gulukows ah, oo ah silsilad dheer oo aan faracyo lahayn. Waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka samaysanyihiin gidaarrada unugga ee dhirta sare.