hiddo
(m.l) (-ooyin, m.l)

ld hidde.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hiddo

naashiddo [m.dh]
ld naakirad.

aliil [m.l] (-lo, m.dh)
(baay.) Mid ka mid ah muuqaallada talantaalliga ah ee hiddo side. Noolayaasha badankoodu waxay leeyihiin laba aliil oo midba hiddoside ka yimid (midba waalid ka yimid), kaas oo ku jira koromosoomyo iskumid ah. Hal aliil badanaa waxa uu shiiqiyaa ka kale oo loo yaqaan shiiqsane, kaas oo ay ka baxaan astaamaha u gaarka ah noolahaas.

asiidh-bu'eed [m.dh] (-dyo ..., m.dh)
(baay.) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.

borookaariyootig [m.l] (-gyo, m.dh)
(baay.) Noole walxaha hiddo-sidaha aanay ku xidhnayn bu'da unugga.

botani [m.l]
Barashada cilmiyaysan ee dhirta oo ay ka mid yihiin anatamiga, morfoolojiga, bayookimistariga, abla-ablaynta, saytoolajiga, hiddo-barashada, ikoolojiga, tadawurka iyo filiqsanaantooda juqraafiyeed.

bu' [m.dh]
1. (baay.) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA. 2. (kiim.) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa..

dhalan-geddis-hiddoside [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(baay.) Isbeddel degdeg ah oo lama filaan ah oo ka dhexdhaca walax hiddo side ah oo unug. Kaas oo ku keeni kara iyada iyo unugyada kale ee laga soo dhiraan dhiriyeyba inay kaga beddelmaan muuqaalka iyo asawgaba nooca caadiga ah.

dhiddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Caanaqub; kashiito.

dibuhabayn hiddoside [m.l] (-dyaal, m.l/dh)
D.ta h.yaal isku xidhan si uu u dhaco isutallow.

hidde [m.l]
Soo yaal fil weyn oo la iska dhexlo oo ummad gaar ahi leedahay. ld hiddo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg