jiid
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)

1. Wax si xoog leh u soo dhufasho. 2. Dun aliindi oo la midabeeyey ama qoyan si loo qallajiyo kala bixin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jiid

faago [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. (f.g) Dibi jixinaya raaf dhul ku jiidid. 2. (f.g) Dhul hoos u qodid. 3. (f.mg) Ka f.: in yar ka fogaasho.

baabso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Dareen iyo feejignaan qof leeyahay soo jiidasho. 2. Qof, hanti uusan lahayn u qiil dayasho.

baaci [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (iyay, -isay)
1. (f.g) Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.

laastiko [m.dh]
Wax ka samaysan maaddo marka la kala jiido aan go'in ee kala baxa.

oodjiid [m.l]
1. Dhigidda maroodi dhigo ood weyn jidka raxantu marto si uu ugu xujeeyo arbaha raxanta wada. 2. Xuja adag oo cid la hor dhigo. 3. Calaamad geediga loo sameeyo si uusan u habaabin ood yar dhulka loogu jiido.

oodjiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi). 2. U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn. 3. U o.: cid xuja adag hor dhigid. 4. U o.: cid wax dooneysa qadin.

oodjiidid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oodjiid².

saamajiid [m.l]
Si caajis iyo itaaldarro ku jirto oo loo socdo.

saamajiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Si caajis iyo itaaldarro ku jirto u socosho.

saamajiidid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saamajiid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg