Jiir

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rar, m.l)

1. Hilibka intiisa aan baruurta lahayn. 2. (-rar, m.l) Naasley yar, dabo dhuuban iyo lugo yaryar leh, miro cun ah oo badanaa ku nool meelaha qashinka leh; doolli. 3. Midab madow ama guduud ah oo baro cad-cadi ku dhafan-yihiin.

Jiir

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-ro, m.l)

Meel sare oo ciriiri ah oo fuuliddeedu dhib tahay.

Jiir

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)

1. Meel xoog ku marid. 2. Wax, wax kale xoog dusha uga marid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga jiir

laab | jaaraan | saaf | saaf | xagalo | areerin | birjiir | bisad | burunji | busteeki |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg