kaay
(m.dh)Meel wax lagu qariyo.
kaay
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-kaayay, -kaayday; -kaayi)Wax qarin. ld kay³.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaay ↴
kaayaga [mu.lh.l]
(kuwayaga, w) magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Baabuurkiinna, kaayaga ayaa ka weyn”. ld Kayaga¹.
kaayaga [dk.lh.l] (-kaayaga)
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Dalkaayaga ayaa ka ballaaran dalkiinna”. ld kayaga2, kaayo², kayo².
kaaye [m.l]
Meerto; kal; miile.
kaayeysasho [m.f.dh]
eeg kaayeyso. ld kaayeysi.
kaayeysi [m.l]
ld kaayeysasho.
kaayeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Wax ku kaltamid.
kaayid [m.f.dh]
eeg kaay², kay³.
kaayo [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aysan ku jirin. Tus. “Waa isku kaayo mid”. ld kayo¹. .