kayn-mansuun
(m.l) (-nno, m.dh)

(juqr.) Nooc kaymaha kulaalayda oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin geedaha caleen - dhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kayn-mansuun

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg