kooxee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-xeeyay, -xaysay)

Koox koox ka dhigid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kooxee

dir [m.l] (-rar, m.l)
(baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, taasi oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku eg. Dirarka isu eg waxa loo kooxeeyaa faylan ahaan.

hormoggal [m.l]
(xis.) Isku xiridda saddex ama dhowr kutirsane oo uu u dhexeeyo xisaabfal labaale (*), taas oo natiijada aan ku xirnayn sida loo kooxeeyo lammaneyaasha kutirsaneyaal. Isugeynta iyo iskudhufashadu waa xisaabfallo hormoggala, kalagoynta iyo isuqaybintuna ma hormoggalaan.

kooxayn [m.f.dh]
eeg kooxee. ld kooxays.

sal-tiro [m.l] (-lal tiro, m.l)
(xis.) Baaxadda kooxda tirinta loo adeegsado. Habdhiska tobanle salku waa toban. Astirooyinka la adeegsado waa “0”, 1, 2, 3, 4, ,5 ,6, 7, iyo 9 oo loo kooxeeyo toban koowaad, toban tobnaad iwm. Habdhiska labaale salku waa labo. Astirooyinka la adeegsado waa “0” iyo 1.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg