magacaabid
(m.f.dh)eeg magacow². ld magacow¹ (3).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh magacaabid ↴
cayin [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Wax tiradooda ama noocooda si cad u sheegid. 2. U c.: qof, meel u magacaabid.
dhig [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Wax la siday meel saarid. 2. (f.g) Wax keydin. 3. (f.g) Qalin, teeb iwm wax ku qorid. 4. (f.g) Cid wax barid. 5. (f.mg) Ka dh.: wax meel saaran dejin. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax uu la cararayo ka ridid. 7. (f.mg) Ka dh.: cid jago u magacaabid. 8. Ka dh.: wax in uu yahay wax aan lugu hubin u qaadasho. 9. Kala dh.: wax kala saarid. 10. Sabab uga dh.: wax dhaca cid u aanayn.
magacow [m.l]
1. Qof magiciisa oo loogu yeero. 2. Qof darajo iyo madaxnimo lagu meeleeyo. 3. ld magacaabid.
sharrax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
1. Qalab meel ku qurxin. 2. Cid jago sare in loo doorto u magacaabid.