meherad
(m.dh) (-do, m.l)Hawl gaar ah oo qof dhab u yaqaan oo uu ku xoogsado.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh meherad ↴
gadaalkagaar [m.l]
Qof dhawaan meherad, balwad iwm bilaabay oo aan waaya-aragnimo u lahayn. ld gadaalmagaar.
ganacsato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad meheraddooda tahay ganacs.
martabad [m.dh] (-do, m.l)
1. Jago sare oo la gaaro. 2. Meherad.
maskab [m.l]
1. Meherad. 2. Sharaf.
meheradlaawe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
Qof aan shaqo lahayn, ama aqoon farsamo uu ku xoogsado.
mujrim [m.l] (-miyaal, m.l/dh,/-myo/-miin, m.dh)
Qof meheraddiisu tahay dhac iyo dil.
qolo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qabiil. 2. Ummad. 3. Koox isku meherad ah.
xirfad [m.dh] (-do, m.l)
Shaqo aqoonteeda la leeyahay oo lagu shaqaysto; meherad. ld xirfo.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg