Ogsajiin

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

1. Curiye kiimikaad oo neef ah, midab dhadhan iyo urna lahayn oo ku jira hawada iyo biyaha muhimna u ah noolaha. 2. Curiyeyaasha biyuhu ka samaysmaan mid ka mid ah. ld ogsijiin, oksijiin.

Ogsajiin

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

(kiim.) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex-ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga ogsajiin

ogsijiin | waaf | asiidh-laagtika | bakteeriya | garwadneed | gibil | iritorosaytis | kuwaatis |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg