qasab
(m.l)Geed leh quwaax sonkorta laga sameeyo, laanlaan ubaxa, alamo leh oo dhulka kulul ka baxa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qasab ↴
alan [m.l]
(almo/-nno, m.dh) Xubnaha geedka qasabka middood.
dalqami [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Ka d.: qof wax uu ogyahay in uu sheego ku khasbid. 2. Ku d.: si qasab ah cid afka wax uga siin.
faral [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
f. ah: wax qasab ay qofka ku tahay in uu sameeyo (diinta).
faraxumee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -meysay)
Qof dumar ah oo aan kugu mehersanayn si qasab ah ugu tegid.
geedquwaax [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Geedka qasabk.
handabo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Xaalad nafsaani ah oo qofka ku qasabta waxa uu jecelyahay in uu falo. Tus. “Cali naaguhuu handabo ku qabaa”.
isticmaarso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Xukun qasab ah ummad kula kicid iyadoo xaqooda la duudsinayo. 2. Cid addoon-sasho.
khaysaraan [m.dh] (-no/-aamo, m.l)
Geed alammo leh oo geedka qasabka u eg, ka laamo dhuudhuuban kana baxa webiyada hareerahooda iyo meelaha biyo fariisinnada, lagana sameeyo bakoorado, kuraas, dambiilo iwm.
madhaafaan [m.l]
1. Heerka wax ugu sarreeya oo ayan moodi karin. 2. Wax qiimo iyo qaayo badan leh. 3. Arrin iwm oo xallinteedu qasabtahay.
mitimiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(kiim.) Dhuun quraarad ah oo leh heerar cabbir oo lagu qiyaaso mugga hoor ka shubmaya iyada marka la furo xubin qasabad ah oo ku samaysan. Waxa lagu isticmaalaa habka saafid muggeedka.