taab
(m.l) (-bab, m.l)1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid
taab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)1. Wax xoog ku qabasho. 2. Wax fur ku adkayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taab ↴
taabac [m.l]
ld taabicid. taabicid
taabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Cid raacid.
2. Socod dheereyn ku jirto socosho.
taabacsan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
Qof kale raacay ahaansho (qof, wax).
taabacsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taabacsan. ld taabacsanaansho. taabacsanaansho, taabacsan
taabacsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld taabacsanaan. taabacsanaan
taabad [m.l]
ld taabasho¹. taabasho
taabasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taabo. ld taabad. taabad, taabo
taabasho [m.dh]
(daaw.) Hab baaritaan qayb ka
mid ah jirka ayadoo si taxaddar leh lagu
dareemayo gacamaha iyo faraha fooddoo-da.
Taabashada waxa marar badan lagu kala sooci karaa barar adke ah iyo mid tulux ah. Taabashada waxa kale oo loo isticmaalaa in lagu ogaado jiritaanka ilmo uurka ku jira. ld taabad taabad