afraad
(m.l/dh.t.j)ld afaraad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh afraad ↴
abriil [m.dh]
Bisha afraad ee sannadka miilaadiga ah. ld abriile.
afaraad [m.l/dh.t.j]
Tirada jagaale, keeda u dhigma afarta. ld afraad.
arbaco [m.dh]
Maalinta afraad ee toddobaadka, una dhexeysa talaadada iyo khamiista.
habdhis-tiro-labaale [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Habdhis tiro oo ku salaysan sal laba godadka 0 iyo 1 oo keliya ayaa la adeegsadaa, halka habdhiska tobanle lagu adeegsado toban god. Godadka waxa ay u taaganyihiin koowaad, labaadyo, afraadyo, siddedaadyo, toban iyo lixaadyo iwm; halka habdhiska tobanle ay u taaganyihiin koowaadyo, tobnaadyo, boqollaadyo iwm.
weji gebagabo [m.l] (-iyo ..., m.dh)
(baay.) Heerka afraad ee qaybsanka unugga; kaas oo ah marka ay koromaatidhyadu gaadhaan cidhifyada, saytobalaasamkuna uu qaybsamo ee uu sameeyo laba unug oo mataana ah oo kala soocan. Waxa baaba'a miiqyada iyo xiddigaha iyaadoo bu'yarada iyo xuubka bu'da ee unug mataan kastaa dib u samaysmo iyo koromosoomyada oo dib u soo ceshada qaabkoodii dunta oo kale ahaa.
xidid [m.l] (-do, m.l)
(xis.) 1. Xididka tiro maangal ama murakab ah: waa tiro marka la dul dhigo jibbaar ay la mid tahay tiradaasi. Tusaale ahaan, 2 waa xidid afraadka ee 16 (2 =16). 2. Xididka isle'eg: tiro marka lagu beddelo doorsoomaha ku jira isle'egta raaligeliya isle'egta, kaas oo labada dhinac ee isle'egtu isle'ekeysiiya.