aleel
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective) (-lo, m.l)

Bocol yaryar oo xeebaha badaha laga helo oo weelasha lagu qurxiyo; laji.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aleel

faal [m.l]
Farsamo loo adeegsado kuul, aleel, turub, dhulxarriiqid iwm oo lagu mala'awaalo wax dhacay ama dhici doona.

tabatabbo [m.dh]
Weel baaquli u eg oo ka samaysan argeeg, dushana aleel looga sharxay oo subagga, oodkaca iwm lagu shubto.

aleelaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Nooc dibqallooca ka mid ah oo aad u weyn oo dabada midabbo kala duwan ku leh, waabaayo halis ahna leh.

aleelatuur [m.l]
Nooc faalka ay haweenku dhigaan ka mid ah oo ay aleesha ku faaliyaan.

aleelatuur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Aleel ku faalin (haween).

aleelatuurid [m.f.dh]
eeg aleelatuur².

aleelayn [m.f.dh]
eeg aleelee.

aleelaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax aleel loo yeelay ahaansho.

aleelaysnaan [m.f.dh]
eeg aleelaysan. ld aleelaysnaansho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg